About us

YAAN NAHAY?

Kobciye waa iskaashato soomaaliyeed oo loo wada siman yahay oo ay wada leeyihiin isirka Soomaaliyeed oo idil. waxaana la aasaasay bishii Juun, 2016. Kobciye waa iskaashato maalgalineysa wax soo saarka gayiga soomaaliyeed. Iskaashatada Kobciye waxaa sal u ah todoba qodob oo ay iskaashatooyinka caalamka oo dhan ku dhisanyihiin. Waxeyna kala yihiin

1.  Isxilqaannimo iyo kamid ahaansho furan mar kasta.

2.  Maamulkeeda oo ay xubnaheedu soo dooranayaan.

3.  Dhaqaale si siman oo laysku darsado.

4.   Ismaamulid iyo madaxbanaani buuxda. 

5.  Ku deeqidda waxbarasho, tababarro-xirfadeed iyo xogwadaag buuxa

6.  Wadashaqeynta iskaashatooyinka kale. 

7.   U adeegidda iyo horumarinta bulshada.   



UJEEDOOYINKA ISKAASHATADA KOBCIYE

Iskaashatada Kobciye waxay u heellan tahay xoojinta is dhexgalka dadka

Soomaaliyeed iyo in si wadajir ah ay u horumariyaan dalkooda iyo dadkooda  Ujeedooyinka ugu waaweyn ee Iskaashatada Kobciye loo abuuray waxaa kamid ah


1. Baabi´inta saboolnimada

2. Soocelinta sharafta shaqsiga Soomaaliga ah

3. Maalgalinta khayraadka dalka

4. Kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo qoyska Soomaaliyeed

5. Horumarinta deegaanka iyo nolasha bulshada.

6. Tayeynta caafimaadka iyo waxbarashad

 

HIMILADA

In la horumariyo xubnaha iskaashatada kobciye tayo iyo tiro ahaan, ayadoo loo maraayo maal-galinta kheyraadka dalkooda.

 

 ARAGTIDA

Xoojinta dhaqan dhaqaale iyo tayeeynta kobcinta maskaxda qofka soomaaliga ah.

 

DHAQANKA SUUBBAN EE ISKAASHATADA KOBCIYE

❖  Daacadnimo 

  ❖  Naftihurnimo 

  ❖  Daah-furnaan

            ❖  Cadaalad iyo sinaan